Dywedwch wrthym a ydych chi'n derbyn cwcis ons.gov.uk

Rydym ni’n defnyddio cwcis i gasglu gwybodaeth am y ffordd rydych chi’n defnyddio cyfrifiad.gov.uk. Rydym ni’n defnyddio’r wybodaeth hon i sicrhau bod y wefan yn gweithio cystal â phosibl ac i wella ein gwasanaethau.

You have accepted all additional cookies. You have rejected all additional cookies. You can change your cookie preferences at any time.

Neidio i’r prif gynnwy

Soomaali caawimaad iyo taageero : Trosolwg

Waa maxay tirokoobku?

Tirokoobku waa xog-ururin dhacda 10 sanno oo kasta oo sawir inaga siisa dhammaan dadka iyo qoysaska ku nool England iyo Wales. Tirokoobka soo socdaa wuxuu dhacayaa Axadda 21 Maarso 2021.

Macluumaadka laga uruuriyey tirokoobka waxay caawimo ka siisaa qorshaynta iyo maalgelinta adeegyada bulshada ee xaafaddaada, oo ay ku jirto adeegyada luqadda. Tusaale ahaan, NHS ayaa laga yaabaa in ay u baahan tahay in ay bixiso adeegyo turjumaad ah gobollada qaarkood.

The Office for National Statistics (Xafiiska Tirokoobka Qaranka) (ONS) ayaa qorsheeya fuliyana tirokoobka ee England iyo Wales.

Yay tahay in uu buuxiyo tirokoobka

Tirokoobka wuxuu weydiiyaa su'aalo ku saabsan adiga iyo qoyskaaga, waana muhiim in qof walba oo jooga England iyo Wales uu ka qayb qaato.

Warning:

Sharci ahaan waa in aad buuxisaa tirokoobka

Waa denbi in aad bixiso macluumaad been ah amaba aadan buuxin tirokoobka waxaana lagugu ganaaxi karaa ilaa £1,000. Su'aalaha qaar ayaa si cad loogu calaamadiyey in ay yihiin kuwo qofku ikhtiyaar u leeyahay in uu ka jawaabo. Maaha fal dembi haddii aad kuwaas ka jawaabi weydo.

Important information:

Macluumaadkaaga shakhsiyeed waxaa ilaalinaya sharciga, waxaana loo hayn doonaa si qarsoodi ah

Joogitaanka UK wax ka yar saddex bilood

Mas'uul kama tihid in aad tirokoobka buuxisid haddii aad UK joogeysid wax ka yar saddex bilood. Qofka leh deegaanka aad degan tahay ayaa laga yaabaa in uu su'aallo ku weydiiyo si ay u buuxiyaan tirokoobka ku saabsan dadka qoyskooda jooga.

Xilliga ay tahay in aad buuxiso tirokoobkaaga

Dhammaan qoyska waa in ay buuxiyaan tirokoobka maalinta Axadda 21 Maarso 2021 ama sida ugu dhakhsaha badan ee ka dib ah.

Duruufahaaga ayaa laga yaabaa in ay is beddeleen intii lagu jiray musiibada coronavirus. Ka jawaab dhammaan su'aalaha iyadoo ku saleysan sida ay hadda duruufahaagu yihiin.